Amnesty International oo Itoobiya ka dalbatay iney kala dirto Ciidamada Liyuu Booliis ee DDSI

0
Ciidamada Liyuu Boolis 816x541 620x330
Ciidamada Liyuu Boolis 816x541 620x330

Amnesty International Hay’adda caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ayaa sheegtay in Ciidamada Liyu Boolice ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay dhibaatooyin badan ka geestaan goobaha ay ku Nool-yihiin Qowmiyadda Oromiya ee Dalka Itoobiya.

Hay’adda ayaa ugu Baaqday Dowladda Itoobiya in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u kala dirto ciidamada Liyu Booliiska ee deegaanka soomaalida Itoobiya maadaama ay geesteen xadgudubyo badan sida ay hadalka u dhigtay Hay’adda.

Amnesty Warbixinteeda ayaa lagu sheegay in ciidamada Liyu Booliiska ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) ay si sharci daro ah u laayeen dadka ku nool gobolka dariska la ah ee Oromia .

“Dowladda Itoobiya waa in sida ugu dhaqsiyaha badan u kala dirtaa ciidamada Liyu Booliiska ayna ku badashaa Booliis u hogaansamaya sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ayaa lagu yiri Warbixinta Amnesty International”

Warbixinta Amnesty ayaa lagu sheegay in Ciidamada Liyu Booliiska ayaa toddobaadkan gubayn 48 guri oo ay leeyihiin dadka Oramada kuwaasi oo ku noolaa deegaanka Soomaalida islamarkana lagu qasbay in ay u Barakacaan deegaano  ka tirsan gobolka Oramada.