Dowladda Somaaliya oo wax ka badashay Hanaanka amni sugidda Muqdisho.

0
Ciidan 1 1024x683 620x330
Ciidan 1 1024x683 620x330

Xukuumadda Faderalka ah ee Soomaaliya ayaa qaaday tilaabooyin lagu adkeeynayo amaanka magaaladda Muqdisho, waxaa isbadal lagu sameeyay hanaankii amniga caasimadda loo sugi jiray.

Ciidamadda Xasilinta Casimadda oo lagu kordhiyay ciidamo aan labisneeyn ayaa u Howlgala si ka duwan sidii hore.

Tilaabooyinka cusub ee lagu sugayo Amniga Caasimadda ayaa ah kuwo lagu dhaqan galinayo balanqaadkii Dowladda ee ahaa in Amniga caasimadda lagu sugayo 90 maalmood.

Isbadaladda Amni ee lasameeyay waxaa ka mid ah in Isgooysyadda Magaladda oo la dhigay Gawaari lagu buufiyay Calaamadda Booliska oo heegan ah xilliyadda habeenkii ee falalka Amni darro ay ka dhacaan Caasimadda.

Dhalinyarro ka tirsan Hey’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo aan labisneeyn ayaa lagu kordhiyay baarista gaadiidka iyo dadka saran.

Dadweeynaha ayaa muujinaya Cabsi ku aadan ciidamadda, gaar ahaan kuwa aan labisneeyn dharka ciidamadda, waxay dadku shaki galinayaan sida lagu aamini karo dhalinyarro aan Labisneeyn oo hubeeysan hadana Gaadiidka joojinaya.

“Sideen ku aaminaa?, maxaan ku aqoonsannaa?, malabisna ee maxaan yeelnaa” ayuu yiri Mooto-wade lagu joojiyay goob ay Ciidamadaddu gaadiidka ku baarayeen.

Dadka ayaa goobaha ay isugu yimaadaan ku falanqaynaya isbadaladda amni ee kasoo muuqday Muqdisho, waxayna Dadka amniga falanqeeya sheegayaan, in haddii Dowladdu ay joogteeyso Nidaamkaan cusub ee amniga ay wax iska badali doonaan.