Wararkii ugu Dambeeyay Mid ka mid ah Culimada Caanka ah oo lagu Toogtay Baardheere

0
Dil Ok 1132x670
Dil Ok 1132x670

Rag bistoolado ku hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ku dileen mid ka mid ah culimada ugu caansan degmadaasi.

Sheekh C/raxmaan Shariif ayaa waxaa toogtay Labo nin oo dhallinyaro ah, isaga oo ku dhowaa masjid ku yaalla xaafadda Buulo Kuulow ee degmada Baardheere.

Goob jooge ayaa sheegay in raggii dilka ka dambeeyey ay goobta ka baxsadeen, islamarkaana halkaasi ay gaareen ciidamada ammaanka oo sameeyey howlgallo aan natiijadooda la shaacin.

Sheekh C/raxmaan ayaa masjidka lagu hor dilay la sheegay in uu salaadda ka tujin jiray, waana wadaad caan ka ahaa degmada Baardheere.

Gobolka Gedo waxaa kusoo badanaya wixii ka dambeeyey bilashada bisha Ramadan, dilalka qorsheysan ee sidan oo kale ah.