Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo Goor dhow Xilka Weyn Doona sabab?

0
34382433 809695052554372 8395240971398283264 N
34382433 809695052554372 8395240971398283264 N

Godoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Mogadishu Eng C/raxman Yariisow ayaa maalmahan soo socda xilka weyn doona, si ay sheegeyaan ilo xog ogaal ah oo ku dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Gudoomiye Yariisow ayaa waxaa waxaa uu ku kacay arinmo aad u fool oo ah xatooyo xoolo dadweyne, warar lagu kalsoon yahay oo muqdisho.online ay ka heshey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa noo xaqiijiyey in Gudoomiye Yariisow uu dhac iyo boob toos ah ku haayo Cashuuraha uu ka qaado bushada muqdisho ku nool. Warar kale oo laga helayo ilo wareedyo madax banaan ayaa kusoo waramayo in ay jiraan group shirko ah oo ku heshiiyey in ay boobaan hantida Dalka gaar ahaan gobalka banaadir, waxaase la xaqiijiyey in uu eng Yariisow uu ka mid yahay group kaas oo uu ugu horeeyo xildhibaan mustaf Dhuxulow, Sanetor Dheg Dheer, Wariye Cawil Daahir Salaad, C/llaahi Xersi, Ugaaska, Imaamka, C/llaahi Geedi Shador, Ganacsato iyo Dulaaliin Waaweyn. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federal Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa wajahaya cabashooyin fara badan iyo dacwado ka imaana bulshada ku nool muqdisho oo dhibaatada uu joogtaada ah uu ku hayo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo Eng Yariisow. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federal Soomaaliya Maxamed Cabdullahi ayaa Qorsheynaya inuu deg deg u bedelo Eng Yariisow oo markii horebe aan laga fiirsan. Warar lagu kalsoon yahay oo laga heley Xafiiska Madaxweyne Farmajo ayaa sheegey inuu Madaxweynuhu rabo labo qof mid kood oo ay kala ah. 1. Cumar Qaanso Gudoomiyaha Degamada Wadajir 2. Maareeyaha Dekeda xamar Axmed Washington. Labada qof oo uu Madaxweyne Farmajo laga yaabo inuu u magacaabo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo ayaa labadu leh taariikh mugdi ah, hase ahaatee waxaan dhowrnaaba waa go’aanka Madaxweyne Farmajo