Waxaa muuqata in ay kordheen dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan, maadaama sida muuqata maalin walba ay magaalada ka dhacaan dilal loo geysanayo dad shacab ah iyo askarta dowladda ka tirsan.
Askari ka tiran ciidanka dowladda federaalka ayaa shalay gelinkii dambe degmada Kaaraan wuxuu ku dilay Darawal kaxeynayay gaari BL-ah, kadib markii sida la sheegay askariga uu Darwalka ku amray inuu istaago, intaasi kadibna uu xabad ku riday, isla goobta ayuuna ku geeryooday.
Sidoo kale xalay fiidkii ayaa aagga Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid waxaa koox hubeysan ay halkaasi ku dileen laba wiil oo dhalinyaro ah, kuwaasi oo ka mid ahaa dadka degaanka, si weyna looga garanayay halkaasi, dilka kadib waxaa goobta ka baxsaday raggii dilka geystay oo aan la garaneyn cida ay ka tirsan yihiin, sidoo kale si dhab ah looma oga waxa ay ahaayeen dhalinyarada la dilay.
Haweeney ayaa sidoo kale xalay lagu dilay xaafada Siigaale oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ka dib markii ay rasaas ku fureen rag bastoolado ku hubeysan, warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in haweeneydan ay ka tirsaneyd shaqaalaha dowladda.
Laamaha amaanka dowladda federalka iyo maamulada degmooyinka ay dilalka ka dhaceen ilaa hadda kama aanay hadlin falalkan ka baxsan amniga, balse waxaa socda baaritaano ay waaan ciidamada ammaanka oo lagu sugayo ammaanka, laguna raadinayo dhalinyarada hubeysan ee dilalka geysata.
24-kii saac ee la soo dhaafay Waxaa si wayn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Muqdisho, iyadoo wadooyinka qaar ee Magaalada la soo dhigay ciidamo badan oo dowladda ka tirsan, balse Hay’adaha ammaanka waxay u muuqdaan kuwo xakameyn la’ dilalka dhacaya.
Saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa sheegay sababta ammaanka Magaalada Muqdisho loo adkeeyay inay tahay ka hortagga isku dayo weerar oo Shabaab ay ka gaystaan Magaalada Muqdisho.
Al-Shabaab ayaa badanaa weeraro fuliya Bisha Barakeysan ee Ramadaan, inkastoo tan iyo bilowgii Bisha Ramadaan Muqdisho aysan ka dhicin weeraro toos ah oo Shabaab ay fuliyeen, ka sokow dilalka qorsheysan ee Magaalada ay ka gaystaan.