DEG DEG: Shirka Madaxda Qaranka oo Goordhow ka furmay Magaalada Baydhabo

0
Shir
Shir

Magaalada Baydhaba waxaa ka furmay shirka Golaha amniga Qaranka Soomaaliya,shirkan waxaa ka qeybgelaya Madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka ah,Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada iyo Taliyayaasha Ciidamada.

Qodobada looga hadlayo waxaa ka mid ah amniga guud ee dalka,Isku dhafka Ciidanka iyo hirgelinta Nidaamka Federaalka ah ee uu hadda ku jiro dalka.

Shirkan waxaa uu horudhac u yahay shir isla Bishan ka dhacaya Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka kaas oo looga hadlayo amniga Soomaaliya.

Waxaa ay madaxda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada isla meel dhigayaan qorsha iyo ajendaha ay la hortagayaan Waddamada taageera Soomaaliya ee ka qeybgelaya Shirka Brussels ka dhacay.

Waa shirkii Todobaad ee Guddiga Amniga Qaranka ay yeeshaan,waxaana uu dhacaa saddexdii biloodba mar iyada oo markan ay marti gelineyso Magaalada Baydhaba ee Xarunta KMG u ah Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Amaanka Magaalada Baydhaba ayaa aad loo adkeeyay waxaana la yareeyay dhaq dhaqaaqa Gaadiidka iyada oo meelaha qaarna la xiray si aanay u marin dadka iyo Gaadiidka.