Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa bilaabay dadaalo uu ku bad baadinaayo aayaha maamulka Galmudug oo sanad gudihiis lugaha la galay khilaafkii labaad.
Galmudug ayaa wajaheysa xasarad siyaasadeed oo u dhaxeysa madaxda sare ee maamulka.
Khilaafka taagan ayaa ka dhashay qaabkii loo fuliyay heshiiskii lala galay Ahlusunna, iyadoo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamanku ay sheegeen in la baalmaray awood qeybsigii beelaha iyo in la badalay dastuurkii maamulka Galmudug.
Wasiir Sabriye oo Baydhabo ku sugan ayaa la sheegay inuu kulan qaas ah la qaatay Madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir, isagoo u bandhigay in Galmudug ay u baahan tahay isu tanaasul iyo is qancin si meesha ay joogto horey looga qaado.
Sidoo kale waxaa uu labada nin u jeediyay in Dowlada dhexe ay xooga saari doonto midnimada Galmudug.
Ilo ku dhow dhow wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in sidoo kale uu wasiirku teleefoonka kula hadlay madaxda Galmudug ee gadoodka ku joogta magaalada Cadaado, isagoo u sheegay in loo baahan yahay jiritaanka Galmudug oo mid ah, ayna muhiim u tahay nidaamka Federaalka iyo midka doorashooyinka 2020-ka.
Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye ayaa labada dhinac ka codsaday inay joojiyaan hadalada ay warbaahinta isu marinayaan, taasoo dhaawaceysa qorshaha xal u raadinta xiisada ka taagan Galmudug, waxaana uu kula dar daarmay inay eegaan mas’uuliyada ka saaran dadka iyo deegaanka.
Ugu dambeyn Bulshada reer Galmudug ayaa ka walaacsan khilaafka soo noq noqday ee madaxda sare, kaasoo dib u dhigay howlihii iyo horu-u-socodkii maamulka.
Waxaa Qoray-Cabdulaahi Cismaan Faarax
raafac22@gmail.com