Akhriso Qodobada ugu Muhiimsan ee looga hadlayo Kulanka Kheyre & Ismaaciil Cumar Geelle

0
20180606 212547 640x360
20180606 212547 640x360

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xsan Cali Khyre iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaaladda Jabuuti ee D-Jabuuti, waxaana goroonka diyaaradaha ee dalkaas ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaaraha Jabuuti iyo qaar ka mid mas’uuliyiinta dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ay la socdeen wafti ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale oo ka tirsan dawladda, ayaa qorshaha waxa uu yahay in booqasho labo cisho ah ay ku joogaan magaaladda Jabuuti.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa maanta kulan la qaadan doona Madaxwaynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele, waxayna ka wada hadli doonaan sidii loo horumarin lahaa xariirka wadashaqeynayd ee labada dal iyo habka ugu wanaagsan ee loo dar-dargalin karo howlaha horumarineed ee ay dawladda Jabuuti ka wado gudaha Soomaaliya.

“Ra’isul Wasaaraha ayaa caawa booqasho ku yimid dalka Jabuuti, wuxuuna ka jawaabayay marti qaad hada kahor Ra’iisul Wasaaraha dalka Jabuuti u soo diray, sidoo kale wuxuu la kulmi doonaa Ra’iisul Wasaaaraha dalkan iyo Madaxweynaha Jabuuti, waxay ka wada hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ka dhaxeeya.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda.