Faysal Cali Waraabe oo sheegay in shirkii Baydhabo hub loogu saxiixay Puntland

0
Waraabe 1132x670 620x330
Waraabe 1132x670 620x330

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaarad ah UCID ee Soomaaliland Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta la hadlay ayaa Sheegay in Shirkii dhawaan lagu soo gaba gabeeyay magaalada Baydhabo hub loogu saxiixay Maamulka Puntland si ay duulaan ugu qaadaan Soomaaliland.

Golaha amniga Qaranka Soomaaliya ayaa dhawaan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koofur Galbeed waxay ku soo gaba gabeeyeen shir maalmo socday oo ay ugu hadleyn arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin hab Qeybsiga Kheyraadka, Nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa marka la gaaro sanadka 2021ka iyo arimo kale.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in shirkaas looga arinsaday sidii garab loo siin lahaa maamulka Puntland islamarkaana looga taageeri lahaa dagaalka ay kula jiraan Soomaaliland kaas oo ka taagan gobolka Sool.

Wuxuuna arintaas ku dhaliilay madaxda ugu sareysa dalka uu ugu horeeyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo mas`uuliyiintii kale ee ka qeyb gashay shirkaasi.