Maamulka Puntland“ma istaagi doono dagaalka aan kula jirno Soomaaliland ilaa aan ka heleyno deegaano naga maqan”

0
Camey
Camey

Xili bulshada Soomaaliya iyo beesha caalamkaba ay aad ugu walaacsan yihiin xiisada colaadeed ee ka taagan gobolka Sool una dhaxeeya Soomaaliland iyo Puntland ayaa waxaa isa soo taraya hadalada colaad hurinta ah ee labada dhinacba ka soo kala yeeraya.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey oo ka hadlay colaadaasi iyo sida lagu joojin karo ayaa yiri

“majiraan wax waan waan ah oo hadda socda, mana dhici karaan wax wada xaajood ah inta ciidamada Soomaaliland ay ku sugan yihiin deegaanada Puntalnd ee ay ka mid yihiin Gambara, Gaatama iyo kuwoo kalaba”.

Maalmihii dambe ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in ay socdaan wada xaajood u dhaxeeya dhinacyadaan colaada u dhaxeysa islamarkaana ay garwadeen ka yihiin xubno ka socda beesha caalamka.

Laakiin madaxweyne ku xigeeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa meesha ka saaray in ay jiraan wax wada xaajood ah oo hadda socda wuxuuna shuruud ku xeray joojinta colaadaasi tagaan.