Iiraan Oo Sheegtay Inay Hawlgal Ka Fuliyeen Gudaha Somalia

0
Wasiirka Sirdoonka Iiraan Iyo Kalluumeysatadii La Soo Furtay
Wasiirka Sirdoonka Iiraan Iyo Kalluumeysatadii La Soo Furtay

Wasiirka Sirdoonka ee dalkaasi, Mahmoud Alavi ayaa sheegtay inay Ciiddankiisa qaadeen Hawlgal ka fuliyeen gudaha Somalia, kuna soo furteen 4 Kalluumeysato Iiraaniyiin oo afduub loo haystay tan iyo sannadkii 2015-ka.

Wasiirka waxa uu Suxufiyiinta u sheegay mar uu Kulan la yeeshay Kalluumeysatada la sheegay in Afduub loogu haystay Somalia, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay ilaalo dhinaac Sirdoonka ah ku haayeen Badmaaxiintaasi, tan iyo markii ay Burcad-baddeeda afduubteen sannadkii 2015-kii.

Wasiirka Sirdoonka ee dalkaasi, Mahmoud Alavi waxa kale oo uu sheegay inuu Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani bixiyey Amarka ay Ciiddanka ka socda Wasaaradda Amniga Iiraan ku fuliyeen Hawlgalka ay 4-ta Kalluumeysato kaga soo badbaadiyeen Somalia.

Afarta Kalluumeysatada Iiraniyiinta ee la sheegay in laga soo furtay Burcad-baddeeda waxaa magacyadooda lagu kala sheegay: Mascuud Baluuji, Axmed Baluuji, Aadam Baluuji iyo Shermad Tabax Zeer.