Daawo: Madaxtooyada oo lagu soo kordhiyay qalabka casriga ee amniga lagu sugo

0
Koontaroolka Villa 696x385
Koontaroolka Villa 696x385

Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ah halka looga taliyo dalka ayaa waxaa ka bilowday dayactir kala duwan oo isugu jira mid amni iyo bilicda, si Madaxtooyada ay ula mid noqoto Madaxtooyada caalamka.

Ammaanka Madaxtooyada ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana lagu soo kordhiyay qalab casri oo heerkiisa sareeyo oo loogu tala galay baaritaanada baabuurta, isla markaana lagala socon doono dhowr aaladood oo lagu hubinayo gaadiidka waxa ku xiran hoostiisa.

Gawaarida iyo qofka galaya Madaxtooyada ayaa maraya labo baaritaan oo casri ah, sida qofka galaya in baaritaankiisa lagala soconayo Scan uu dhex marayo, sidoo kale darawalka baabuurka wata ayaa si aan dhib laheyn u maraya, isagoo suul saaraya qeyb loogu tala galay in birta dhulka hoose ku jirta ka qaado, bedelkii biraha ay askarta ka qaadi jireen ama koontaroolka.

Halkan hoose ka daawo muuqaal laga sameeyay qaabka casriga ee lagu soo kordhiyay amniga madaxtooyada.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO