Madaxweyne Trump oo ku siijeeda Halka uu kula Kulmi lahaa Hogaamiyaha Waqooyiga Korea

0
 101956166 1abfa83c D30f 471c Bd00 31f955d365fc
101956166 1abfa83c D30f 471c Bd00 31f955d365fc

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donold Trump ayaa ku sii jeeda dalka Singapore halkaasi oo lagu wado in uu ka dhaco kulanka isaga iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un.

Kulanka ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo maalinta Talaadada ee soo socota.

Mr Trump ayaa sheegay in ay tahay hal fursad oo la siinayo heshiis nabadeed oo labada dhinac ay gaaraan.

Waxa uu intaa ku daray in muddo daqiiqad gudaheed ah uu ku ogaan doono in natiijo ay ka soo baxayso kulanka iyo in kale.

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhankeeda diiday fikirka ku saabsan in ay ka talabaxdo hubkeeda niyukleerka iyo gantaalada.

Mr Trump ayaa balanqaaday In uusan doonayn in uu waqtiga iska lumiyo ama uu ka lumiyo Mr Kim balse uu wadaxaajoodka rajo wanaagsan ka qabo.

Madaxweyne Trump ayaa marar badan shaki galiyay qabsoomida kulanka isaga iyo hogaamiyaha Kuuryada Waqooyi Kim Jong-un.