Shabaab oo baahiyay magaca & qabiilka ninkii isku qarxiyay xerada Ciidan Baar Sanguuni

0
Al Shabab Somalia
Al Shabab Somalia

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay wareysi lala yeeshay ninkii fuliyay weerar isqarxinta ahaa ee lagu qaaday xerada Ciidanka ee deegaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubbada hoose.

Ninkaan oo kaxeynaayay gaari lagu qarxiyay afaafka hore ee xeradan ayaa intii uu kaxeynaayay gaarigaasi wareysi laga duubay ku sheegay inuu isku qarxinaayo laynta waxa uu ugu yeeray murtadiin.

Yuusuf Cali Cumar ayaa ahaa 24 ka tirsanaa Shabaab gaar ahaan qaybta isqarxinta ku qornaa ugu dambeyna sidaasi ku dhintay.

Ninkaan ayaa ka soo jeeday Beesha Wacdaan Cusmaan sida ay sheegtay Warbaahinta Al Shabaab.

Qaraxaan Ismiidaaminta ah ee ninkaan uu fuliyay ayaa wuxuu dhacay Sabtidii kadib markii Shabaab Jimcihii ay weerareen xerada Ciidanka Baar Sanguuni maalintii Jimcaha oo ay ku dileen askari Mareykan ah afar kalena ay ku dhaawaceen.

Xoogaga Shabaab ayaa waxa ay kordhiyeen weerarada ay la beegsanayaan xarumaha Ciidanka ee Gobolada dalka ku yaal.