Maxaad ka ogtahay Dilalka, Habjabaada iyo Cabsida lagu hayo Dhalinyarada Bajaajta ku wada Muqdisho

0
Bajaaj
Bajaaj

Dhalinyarada ku shaqeysata wadista Mootooyinka Bajaajta ee Magaalada Muqdisho gudaheeda, ayaa la kulmaya tacadi kala duwan oo kaga imaanaya ciidamada kala duwan ee la soo dhigay wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Saacadihii ugu dambeeyay Muqdisho waxaa lagu dilay laba nin oo wadatay Mooto Bajaaj, mid waxaa lagu dilay wadada Warshadaha, midna waxaa lagu dilay Isgoyska Banaadir agagaarkiisa.

Qaar ka mid ah dhalinyarada wata Mooto Bajaajta, ayaa waxa ay sheegeen iyaga oo bixinaya canshuurta dowladda, haddana in tacadi kala duwan loo gaysto oo ciidamada ay dilaan.

Waxaa intaasi sii dheer oo dhalinyaradan cabasho ay kaga muujiyeen ciidamada dowladda inaysan helin cadaalad ku aadan gacan ku dhiiglaha falka dilka ah u gaysta dadka shacabka ah.

“Maalin walba dhawr qof ayaa nagala dilaa bilaa sabab, wadooyinkii waa naga xirteen, waligaa ma aragtay qof loo toogtay Bajaajle uu dilay dartii, wax cadaalad ah ma helno, canshuur ayaan bixinaa bil walba waxaana Dowladu noola dhaqantaa sidii dad aan waxba galin, fadlan fariintan dadka naga gaarsii. Ayuu yiri mid ka mid ah wadayaasha Mootooyinka Bajaajta

Madaxda dowladda ayaanan u muuqan dilalka loo gaysanaayo wadayaasha Mootooyinka Bajaajta, waxaana u muuqda kaliya in jidadka la xiro oo ciidamada ay ciqaabaan dadka shacabka ah, si looga hortago qaraxyo Shabaab ay ka gaystaan Muqdisho.