Askar u dhalatay dalka Imaaraadka oo lagu diley dalka Yemen

0
Ciidamo Imaaraad
Ciidamo Imaaraad

Afar askari oo ka mid ah ciidamada Imaaraadka ee ka dagaalamaya dalka Yemen ayaa lagu diley dagaal ka dhacay magaalada dekeda ee Xudeyda.

Taliyaha guud ee ciidamada Imaaraadka ayaa xaqiijiyay in askartan la diley xilli ay ka dhinac dagaalamayeen ciidamada huwanta ee taageerta dowlada wadanka Yemen.

Ciidamada huwanta ayaa weerar isugu jira duqeyn xagga cirka ah iyo weerar dhulka ah ku qaaday magaalaa saddexaad ee ugu weyn dalka Yemen ee Xudeyda taasoo ay ku taal deked muhiim u ahayd kooxda Xuutiyiinta ee ay dowlada Iran taageerto.

Bishii September 2015 ayaa waxaa lagu diley 45 askari oo u dhashay dalka Imaaraadka wadanka yemen kadib markii uu gantaal ku dhacay baqaar ay ku xareysnaayeen rasaas iyo waxyaalaha qarxa.

Dekeda Xudeyda ee ku taal badda cas ayaa ah dekeda kaliya ee ay kooxda Xuutiyiintu maamulaan waxana ay dhinaca KoofurGalbeed kaga beegan tahay 150km caasimada Yemen ee Sanca.

Sida uu baahiya taleefishinka Al Arabiya ee xaruntiisu tahay wadanka Imaaraadka ciidamada Yemen ayaa qabsaday degmada dhinaca koonfur ku taal ee Nekheila.

Dekeda Xudeyda ayaa ah marin muhiim ah oo cuntada looga soo dejiyo dalka Yemen iyadoo malaayiin ruuxna ay qarka u saaran yihiin macluul, sidoo kale kooxda Xuutiyinta oo taageeo ka hesha dalka Iran ayaa waxaa ugaga soo dega dekadaas hubka noocyadiisa kala duwan haddii ay ka baxdo gacanta Xuutiyiintana waxaa ay wax ka bedeli kartaa awooda dalka Yemen ee kooxaha ku dagaalamaya.