Mareykanka oo sheegay in la musuq maasuqo Kaalmada ay siiyaan Milatariga Somaliya.

0
Usa 1132x670
Usa 1132x670

Sen. Rand Paul, R-Ky. oo ka mid ah Baarlamaanka Dalka Mareykanka ayaa ku baaqay in la joojiyo kaalmada Milatariga Soomaaliya uu ka helo dowladda Mareykanka taasoo qatar ku noqon doonta Soomaaliya hadii ay dhacdo.

Xildhibaanka ayaa waxaa uu ku dooday in lacagta la siiyo Soomaaliya la dhimay Sanadkii hore hayeeshee ay wali diinwaanka ugu jirto $8Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

“Kharashka naga baxay waxaa uu gaarayaa $1 Tiriliyan oo doollar,xaggee ku baxday lacagtaas,mala hubaa in ay gashay gacmihii loogu talagalay?” ayuu isweydiiyay.

Waxaa uu Xildhibaankan oo ka tirsan Guddiga deeqada la siiyo dibadda iyo xaaladaha deg degga ah ee Senate-ka Mareykanku sheegay in Askarta qaarkood ay si hoose ula shaqeeyaan Al-Qaacidda,kuwana ay laaluush iyo musuq ku qaatay lacagta oo aanay u bixin sidii loogu talagalay.

$4.3milyan oo doollar ayuu sheegay in dowladda Mareykanka ay siiso Milatariga Soomaaliya,taas oo ah lacagaha Mushaarka ah,waxaa uu sheegay in lacagtaas canshuur ahaan looga qaaday muwaaddiniinta Mareykanka,islamarkaana ay qalad tahay in gacmo dadban ay si khalad ah ugu dhacdo.

Baaritaan uu sameeyay Guddi ka tirsan Sanate-ka Mareykanka ayuu ku sheegay in ay caddeyn ku soo heleen in 920 oo Carruur ah la askareeyay,Ciidamada qaar ee dowladda xiriir hoose la leeyihiin al qaacidda sidoo kalena saraakiisha qaar ay musuq ku sameeyaan lacagaha kaalmada Mareykanka ah.