Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa goor dhaw soo gaaray Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kadib markii uu maanta booqasho uu ku yimid.
Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.
Masuuliyiin kale oo fara badan ayaa ku sugan Garoonka Aadan Cadde, kuwaasi oo ka qayb qaadanaya soo dhaweynta Wafdiga uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya.
Abiy Ahmed ayaa wuxuu ku yimid diyaarada Ethiopia Airline, waxaan la socday Ra’iisul Wasaaraha ciidamo tuuteysan oo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo sugaya amniga Ra’iisul Wasaaraha.
Astaanta calanka dalka Itoobiya ayaa loo garaacay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya markii uu ka soo dagay Garoonka, islamarkaana ay is raaceen Madaxweynaha oo ay tageen goobta ay suran yihiin calamada labada dal.
Waxaa la filayaa in booqasho hal maalin qaadan doonto ay noqon doonto booqashada maanta uu ku yimid Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya.