Dadyowga Islaamka oo maanta u dabaaldegaya maalinta 2-aad ee Ciidul Fidriga

0
Ciid Wanaagsan
Ciid Wanaagsan

Ummadda Islaamka ayaa maanta si weyn ugu dabaaldegaya maalinta labaad ee Ciudl Fidriga, maadaama ay habeen hore dhalatay bisha shawaal oo si weyn loo sugayay.

Dadka Islaamka ah ayaa mudo 29 maalmood ah gudanayay waajibaadka iyo kheyraadka ku jira bisha barakeysan ee Ramadaan, waxayna maanta u dabaaldegayaan Ciidul Fidriga.

Ciidaan ayaa kusoo aaday xilli ay xiran yihiin inta badan Wadooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana dadka Shacabka ay walaac ka muujiyeen in aysan booqan Karin ehelkooda.

Sidoo kale Maanta oo ah maalinta Labaad ee Ciida ayaa siweyn loo adkeeyay Ammaanka Muqdisho,maadaama lagu waddo in uu Magaalada Muqdisho yimaado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.