Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo saacadaha soo socda magacaabaya Gole Wasiiro

0
Xaaf
Xaaf

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda inuu kaga dhawaaqo magaalada Dhuusamareeb Gole Wasiiro cusub.

Madaxweyne Xaaf ayaa maalmihii u dambeeyay la hadal hayay inuu magacaabayo Gole Wasiiro cusub, kuwaasoo qeyb ka noqon doona xubnihii ku soo biiray maamulkiisa ee Ahlusuna Wal-jameeca.

Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in magacaabida Golaha wasiirada ay dhowr jeer dib ugu dhacday wada tashiyo iyo arrimo kale oo caqabado ahaa oo aan weli la xalin.

Magacaabida Wasiirada ayaa la sheegay in lagu saleyn doono habka awood qeybsiga ee Heshiiskii Jabuuti ee Ahlusuna iyo Galmudug horay ugu dhex maray, kaasoo suura geliyay isku darka labada Maamul.

Wasiiro horay uga tirsanaa Maamulka Xaaf ayaa laga yaabaa inay dib u soo laabtaan, halka Wasiiro qaarna ay weyn doonaan.

Khilaaf u dhaxeeya Hoggaanka Galmudug ayaa weli xal loo helin, iyadoo Mas’uuliyiinta sare ay ku kala sugan yihiin Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo dhinac ah ayaa ku sugan Cadaado, halka Madaxweyne Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Sheekh Shaakir ay ku sugan yihiin Dhuusamareeb.