Qaar ka mid ah Waddooyinkii xirnaa ee magaalada Muqdisho oo dib loo furay

0
Muqdisho 696x392
Muqdisho 696x392

Waxaa dib loo furay qeybo ka mid ah waddooyinkii xirnaa labadii maalmood ee Ciidul Fitriga iyo maalmihii u dambeeyay ee Bisha Ramadaan, iyadoo saaka uu bilowday isu socodka dadka iyo gaadiidka oo loo diidayay waddooyinka qaar.

Qeybo ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama ayaa saaka la arkayay iyagoo furan oo dib gaadiidka ay u isticmalayaan, sidoo kale waxaa weli xiran waddooyinka soo gala Maka Al-Mukarama oo gaadiidka aanu soo gaari karin, isla markaana dhexda ku kala wareegi jiray.

Inkastoo inta badan waddooyinka dib loo furay, hadana waxaa jira waddooyinka jidcadayaasha xaafadaha oo lagu gooyay dhagxaan iyo carro tuur, taasoo xaafadaha qaar ka dhigtay kuwo go’doon ah.

Ciidamada ammaanka ayaa shacabka iyo gaadiidka ku amrayay in meelaha qaar ay dib uga laabtaan, isla markaana ay heystaan amar ah in aanay cidna soo mari karin.

Shacabka ayaa ka cabanayay xirnaanshaha waddooyinka iyo xaaladaha ku soo kordhay magaalada, waxaana maalintii shalay oo aheyd maalinta labaad ee Ciidul Fitriga ay aheyd mid magaalada kala xiran, maadaama uu Muqdisho booqasho ku yimid Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, isla markaana ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Hey’adaha ammaanka ayaa bishii Ramadaan ku guuleystay inay inta badan xaqiijiyaan ammaanka magaalada, iyagoo xiray jidad badan, waxaana bishii Ramadaan ee dhamaatay uu ahaa bishii u horeysay oo aanay dhicin wax qaraxyo ah iyo weeraradii looga bartay inay fuliyaan Al-Shabaab, hase ahaatee dilal aad u fara badan ayaa magaalada ka dhacay intii lagu guda jiray bisha Ramadaan.