Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxman Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa marka hore amaanay dowladda turkiga oo uu sheegay in waajibkii looga baahnaa ay ka guteen Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in ay jiraan dowlado kale oo ka maseeray Turkiga kuwaas oo yimid Soomaaliya balse weli ku xareysan Xerada Xalane oo aan soo dhaafin.
“Waxaa jira diblumaasiyiin ka maseersan turkiga oo yimid Somaliya aaminsana in dalka uu yahay nabad balse weli waxa ay soo dhaafi la’yihiin xerada Xalane ee Magalada Muqdisho ayuu yiri guddoomiye Yariisow.
Sikastaba hadalka guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa imaanaya xilli Xerada Xalane ee Magalada Muqdisho ay ku sugan yihiin diblumaasiyiin farabadan,kuwaas oo xaalada amni halkaasi u degay,isla markaana Shaqooyinka ay Soomaaliya u yimaadeen halkaas ku qabsada.