XOG: R/wasaare Kheyre oo Dayacay qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadiisa

0
Kheyre
Kheyre

Xukuumadda R/wasaare Kheyre waxay ka koobantahay ilaa iyo 25-Wasaaradood, iyadoo Wasaarad kasta ay u egmantahay shaqo gaar ah oo leh waajibaad cad, taas oo baahi ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa haatan soo baxaysa in R/wasaaraha uu dayacay qaar ka mid ah Wasaaradaha dowladda isla markaana aanan lagu texgalinayn shaqada ay qabanayaan ama aanan danba laga lahayn inay shaqo qabtaan iyo in kale.

Inta badan Wasiirrada xukuumadda waa xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka, sababta ay xukuumadda ugu bateena waxay tahay in xukuumadda wax weerar ah ama culays ah uusan kaga imaan Baarlamaanka.

Arinta ugu yaabka badan ayaa waxay ahayd markii R/wasaare Kheyre uu badalay Wasiirkii Wasaaradda Howlaha Guud Eng Saadiq C/laahi Cabdi kaas oo mudo kooban uu joogay wasaaradda Isbadal wayn oo lataaban karo ku sameeyay.

Eng. Saadiq C/laahi Cabdi oo ahaa nin Aqoon u leh shaqada Wasaaradda ay u xilsaarantahay ayaa xili kooban oo uu maalmul ka ahaa Wasaaradda wuxuu qaaday Talaabooyin taariikhi ah oo lagu soo xasuusan doono, isla markaana ay ka mid yihiin.

  1. Heshiis uu la galay dowladda Jarmalka oo loogu talagalay in lagu dhiso wadada isku xirta Hobyo ilaa iyo Gaalkacyo, taasi oo ay baahi wayn u qabaan shacabka Galmudug.
  2. Heshiis uu la soo galay dowladda Turkiga kaas oo Wasaaradda ka saaciday in loo dhiso xarun ay leedahay wasaaradda, sidoo kale in la tayeeyo kooxda Kubadda Cagta Jeenyo oo ay leedahay wasaaradda, iyadoo sidoo kale heshiiska lagu cadeeyay in Kooxda loo dhisayo Garoon ay ku ciyaarto oo ay leedahay iyo inay Tababar iyo ciyaaro saaxiibtinimo ay si joogta ah ugu tagaan dalka Turkiga.

Sidoo kale waxaa jira Heshiisyo iyo shaqooyin kale oo lagu xasuusan doono Wasiirka iyo Masuuliyiin kale oo laga saaray Xukuumadda, oo la aaminsanyahay in dan shaqsi ah looga qaaday xilalkooda iyagoo shaqo wanaagsan u haaya dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

R/wasaare Kheyre ayaa saaxiib dhow ka dhigtay qaar ka mid ah Wasiirrada sida wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Qorshaynta iyadoo Wasiirrada kale ee dowladda aananba war laga hayn inay shaqeeyaan iyo in kale.