Madaxweyne Waare: Shabaabka Hirshabelle ka dagaalama Galmudug & Jubbaland ayeey ka yimaadaan

0
Waare
Waare

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa sheegay Al Shabaabka ka dagaalama deegaanada Maamulka Hirshabelle inay ka yimaadeen meel ka baxsan deeganada Maamulkaasi.

Maxamed Cabdi Waare, ayaa wuxuu sheegay Shabaabkaasi dhibaatada ku haya deeganada Hirshabelle inay ka kala yimaadeen deegaanada Koonfur Galbeed iyo deegaanada Maamulka Galmudug iyo Jubbaland.

Ciidamada Hirshabelle, ayaa wuxuu sheegay inay dagaal ka wadaan deeganada Maamulka iyo sidii Shabaab looga xureyn lahaa, balse ay jirto culeesaad kala duwan oo ay Shabaab saareen deeganada Hirshabelle.

“Shabaab hadda ka dagaalama waad ka warqabaan meeshii dagaal ka jiro ayeey isaga soo gurmadaan, hadda Hirshabelle Shabaabka ka dagaalama waxa ay ka kala yimaadeen Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Maamulka Galmudug.” Ayuu yiri Madaxweyne Waare oo Wareysi siiyay Tvga Qaranka Somaliya.

Waare ayaa intaasi hadalkiisa sii raaciyay in qorshaha maamulkiisa uu yahay inay Shabaab ka saaraan dhamaan deeganada ay ka joogaan ee Shabellaha dhexe iyo Hiiraan, xilli uu sheegay in meel kasta ay isaga wacdeen Xoogaga Shabaab.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa waxa ay ka socdaan deeganada maamulka Hirshabelle, si deeganadaasi looga xureeyo Al Shabaab.