WAR DEG DEG: Somaliland oo Xabsi ka sii deysay Boqor Buur Madow

0
Buur Madow 640x324
Buur Madow 640x324

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in maanta la siidaayay  Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow)  horay Maxkamad ku taalla Magaaladaasi ay Saddex sanno oo xabsi ah ugu xukuntay.

Wariyeyaasha ku sugan Magaalada Hargeysa ayaa xaqiijiyay in 60 maalmood ka dib Maanta xabsiga laga siidaayay Boqor Buurmadow.

Somaliland waxa ay horay ugu eedeysay in uu kasoo horjeedo Madaxbaanida Somaliland.

Boqor Buurmadow ayaa kaga qayb-galay degaanka Carmo ee Puntland Caleemo-saarka beeldaajiye cusub, waxaana xukunkiisa lala xiriirinayaa hadal uu ka jeediyay munaasibaddii caleemo saarka beeldaajiyahaasi.