Kulanka Guddiga joogtada ah ee golaha shacabka Baarlamaanka JFS oo uu shir guddoominayay ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa waxaa ugu horeyn warbixino looga dhageystay guddiga joogtada ah ee golaha.
Sidoo kale dhismaha ka socda xarunta guddoonka iyo gudiyada ee villa Hargeysa, ayaa looga hadlay kulanka guddiga joogtada ah ee golaha shacabka, waxaana sidoo kale inta uu kulanka uu socday aad looga hadlay dhibaatooyin wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo ay kala kulmaan dadka shacabka ah ee wadadaasi ku safra.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in wadadaasi dhibaatooyin kufsi ah loogu geystay gabdho ka badan 10, kuwaasi oo qeyb ka ahaa dad ku safrayay wadadaasi.
Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan, ayaa sidoo kale kormeeray dayacir lagu sameynayo xarunta golaha shacabka oo hadda heer gaba gabo ah maraya.
Marka la dhameeyo dhismaha xaruntan ayaa Xildhibaanada golaha shacabka waxa ay usoo wareegayaan xaruntan, waxaana dhismo lagu bilaabayaa xarunta weyn ee Golaha shacabka.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa guddiyadii uu la kulmay kula dardaarmay iney halkooda howsha ka sii wadaan iyo in ay xoojiyaan wada shaqeynta kala dhaxeysa Wasaaradaha ay shaqo wadaaga yihiin.