Arrin cusub: Somaliland oo dharbaaxo kala kulantay Ra’isul wasaaraha ETHIOPIA ﴾Sababta﴿

0
Tmp 22728 Muuse Xafiis283836358
Tmp 22728 Muuse Xafiis283836358

Maamulka Hoggaamiye Muuse Biixi ee Somaliland ayaa lasoo sheegayaa in xirriir aad u hooseeya uu kala kulmaayo dowlada Ethiopia.

Hoggaamiyaha maamulka ayaa la xaqiijiyay inuu ku hingoobay xiriir toosa uu la sameeyay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed oo tan iyo markii la doortay aysan is arag.

Xiriirka tooska ah ee Muuse Biixi uu la sameeyay Ra’isul wasaare Abiy ayaa yimid kadib markii uu jawaab ka waayay warqado dhowra uu ku dirtay xafiiska Abiy, taasoo uu u arkay inay tahay Bahdilaad iyo Yasid uu kula dhaqmayo Ninkan shaqada Itoobiya ku cusub.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Muuse Biixi uu Seddex warqad oo aan Jawaab celin laheen ku diray xafiiska Ra’isul wasaare Abiy, hase yeeshee warqad gaara oo kaga timid Wasaarada arrimaha dibadda Ethiopia looga dalbaday in qoraaladiisa uu soo mariyo wasaarada.

Qoraalka Wasaarada ee ku wajahnaa Muuse Biixi ayaa sidoo kale lagu sheegay in Abiy Axmed uu ku guda jiro xili mashaquul ah, sidaa aawgeed ay munaasib tahay in laga dhowr sugo xiliyada uu ka gudbo mashquulka uu hadda ku jiro.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa la rumeysan yahay inuu ka meermeerayo qaabilaada Madaxda Somaliland, kadib heshiiskii uu la galay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo Abiy Axmed ka dalbaday in Ethiopia ay ka shaqeyso midnimada Somalia.

Sidoo kale, maamulka Somaliland qudhiisa ayaan weli ku degdegin Siyaasada Ra’isul wasaaraha cusub ee Ethiopia waxaana jiray xiriir hore oo ay la lahaayen Ra’isul wasaarayaashii hore ee dalkaasi soo maray.

Geesta kale, Ra’usul wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa wada qorsho xiriir wanaag looga dhex abuurayo Abiy Axmed iyo Somaliland.