Ibraahim Aadan Ibraahim Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Maamulka Koofur Galbeed ayaa Beeniyay in degmadaasi ay ka jirto Caburin iyo dilal loo geesto Shacab iyo Masuuliyiin kale oo degmada ka tirsan.
Guddoomiyaha ayaa Beeniyay inuu degmada ka masaafuriyay Labada Guddoomiye ku xigeen ee Arimaha Bulshada iyo Amniga iyo Sidoo kale Xoghayaha Dowladda Hoose ee degmadaasi, sidoo kale waxa uu beeniyay Gudaha degmada ay Ciidamada Dad ku dileen iyo qodobo kale ayuu ka hadlay.
Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ayuu sheegay inuu Al shabaab noqday isla markaana dib loogu celiyay magaalada Baydhabo oo markii hore laga soo Magacaabay.
Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga Guddoomiyaha Diinsoor.