Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay tiro kalane way ku dhaawacmeen rasaas lagu furay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayay meel u dhaw degmada Warashiikh ee gobalka Shabeelaha Dhexe.
Goob joogayaal ayaa sheegay in koox hubeysan ay rasaaseeyeen Gaari Homey oo mararyay deegaanka Boos Dacaar una dhaw degmada Warshiikh ee HirShabeelle, waxaana halkaasi ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay dadkii Gaariga Saarnaa oo dhamaan shacab musaafir ahaa.
Dadka dhintay Laba ka mid ah waa ilmo Adeer/Walaalo waxaana wararka kale aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in dadka dhaawacyada qaar ay qabaan dhaawac culus.
Waxaa socda baaritaanno dheeraad ah oo ay wadaan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo maleeshiyadii weerarkaasi fulisayna ay goobta isaga baxsatay.