XOG: Imaaraadka oo Diyaarad Hub sida ka Dajiyay Itoobiya (Somalia oo la soo Galin karo)

0
Diini Sharuur 24.10 .2011 620x330 620x330
Diini Sharuur 24.10 .2011 620x330 620x330

Sida ay baahiyeen wargeysyada mucaaradka dalka Ethiopia dowlada Imaaraadka carabta ayaa Saanad Huba ku yaboohday dowlada Ethiopia.

Waxa ay qoreen in Saanadasi ay u badan tahay Hubka noocyada culus, kadib markii dowlada Ethiopia ay codsi saanad u dirtay Imaaraadka.

Hubkan ayaa la sheegay in diyaarad Militery oo laga leeyahay dalka Imaaraadka ay maalmo un ka hor ka dajisay Garoonka ay leeyihiin Militeriga Ethiopia ee ku yaalla Nansereed.

Hubka ayaa la xaqiijiyay inay la socdeen qalab casri ah oo ciidamada Militeriga ay ku isticmaalan duurka iyo goobaha godcurka ah.

Hubkan ayaa laga yaabaa in Soomaaliya lasoo galiyo maadaama Ciidamada itoobiya ee ku sugan dalka ay dagaal kula jiraan Al shabaab, waxaana suurta gal in loo daadgureeyo ciidamada Ethiopia ka jooga Baydhabo, Galgaduud iyo Kismaayo.

Yabooha sanada Militery ayaa waxaa lahaa Dhaxal­sugaha Boqortooyada Imaaraadka ahna Taliye xigeenka ciidamada wadankaasi Maxamed bin zayed.

Dowlada Imaaraadka carabta ayaa labadii sano ee ugu danbeysay xiriir wanaagsan la leh dowlada Ethiopia oo siyaasad ahaa ku dhow Somalia.