Sida ay Sheegayaan wararka hoose oo soo baxaya Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in ay xireen Ciidamada Kenya ee ku sugan Xaduudda Gobalka Gedo.
Korneel Aadan Axmed Rufle oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga ee ku sugan gobalka Gedo ayaa sheegay in labo xildhibaan oo ka tirsan golaha Shacabka ee laga soo doortay degmada CeelWaaq ee gobalka Gedo la xiray.
Sidoo kale Waxaa uu sheegay in Dhibaatooyinka ay geystaan ciidamada Kenya ay aad u soo bateen islamarkaana waxaa uu tilmaamay in taasi aan loo dulqaadan Karin.
Hayeeshee Waxaa xusayay in markii dambe dadaalo badan la sameeyay kadib ay xuriyadooda ay dib u heleen labada xildhibaan iyo saraakiisha ka tirsan Ciidanka xoogga dalka.