Wasiir Beyle Oo Dhawaan la badali doono Sababta?

0

Khilaaf xoogan ayaa la xaqiijiyay inuu soo kala dhexgalay Raysal Wasaare Xasan Cali Khaire iyo Wasiirkiisa Maaliya Dr. Abdirahmaan Ducaale Beyle kaasoo in muddo ah soo jiitamayay. Waxaa jiray warar sheegaaya in Reysalwasaaraha iyo Dr Beyle aysan isku fiicneyn, warar aan laxaqiijin ayaa oranaaya, Dr Beyle wuxuu ashtako ugu tagay Madaxweyne Farmaajo, asagoo ka cabanaaya cadaadiska Reysalwasaaraha.

Wixii ka dambeeyay khilaafka Raysal wasaare Khaire iyo Beyle ayaa saraakiil ka tirsan madaxtooyada waxay bilaabeen inay raadiyaan shaqsigii lagu badali lahaa wasiir Beyle, oo ka soo jeeda beesha Samaroon.

Saraakiisha ka tirsan madaxtooyada ayaa todobaadyadii ugu dambeysay waxa ay ka iibinayeen madaxweynaha iyo Raysal wasarahaba in Beyle lagu badalo nin lagu magacaabo Prof. Xuseen Warsame oo degan Canada, bare jaamaceedna ka ah University of Calgary. Kana soo jeeda beesha Samaroon, gaar ahaana jufada Habar-cafaan

Wararkaan ayaa maalinba maalinta ka danbeysa sii xoogeysanaaya, Huseen oo ka dhashay Beesha Samaroon gaar ahaan Habar-carfaan, ayaa beeshiisu heysataa 3 kursi oo Gollaha Shacabkabah iyo 1 kuris oo Aqalka Sare ah, haddii loogu daro Wasiirka Koowaad ee Samaroon, ayaa waxaa halkaas ka imaankara, qalqal ku yimaada hanaanka hab qeybsiga Beelaha.

Wasiirka Maaliyada Dr Beyla, ayaa asagana ah: Samaroon Mahadcase, waxayna beeshiisu heysataa 3 kursi oo Gollaha Shacabka ah, mana heystaan wax Aqalka Sare ah, sidaas ayeyna Beesha Mahadcase ku heshay Wasiirka Maaliyada oo uu ku fadhiyo Dr Beyle.

Waxaa lafilayaa in ay arintaan soogalaan,
Qaar ka mid ah xubnaha Xildhibaanada ee beesha Samaroon, oo ay ka biyo diidaan damaca saraakiisha madaxtooyada ay ku doonayaan inay ku badalaan Wasiir Beyle, waxaana lagayaabaa in ay cabasho u gudbiyeen Madaxweynaha iyaga oo sheegaaya in haddii isbadal lagu sameynayo Wasiirka beesha Samaroon ay tahay in laga talo geliyo xubnaha Xildhibaanada iyo Senatarada matala Samaroon.

Khilaafka Raysal wasaare Khaire iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Dr. Beyle ayaa in muddo ahba soo jiitamayay, waxaana la sheegayaa in haatan ay tahay waqtigii ugu adkaa is fahmi waagooda, siyaasiyiinta samaroon gaar ahaan, mahadcase ayaa ku adkeysanaaya, haddii isbadaljiro xitaa in kursiga uusan dhaafin Samaroon mahadcase.