Xog+Gorfeyn: Shabaab oo Burbur ku dhow ka dib Geerida Amiirka Kooxda, Khilaaf & Ajaaniibta oo Carartay

0
Axmed Diiriye
Axmed Diiriye

Waxa kaliya ee la ogyahay ayaa ah in xaaladdiisa ay aad u liidatay markii ugu danbaysay, isla markaana uu gabay masuuliyaddii ahayn hoggaaminta AlShabaab, Axmed Diiriye oo AlShabaabka dhexdiisa looga yeero Abuu Cubayda wuxuu ku magacaabanyahay horjoogaha Al_Shabaab tan iyo markii la qaarajiyay horjoogihii ka horeeyay ee Axmed Godane, haseyeeshee waxaa mudooyinkaan danbe dhulka dhigtay Xanuuno Badan oo isugu biiray.

In ka badan Hal Sano ayuu la liitaa Axmed Diiriye cudurka Kensarka (Cencer), wayna ka sii daraysa xaaladiisa sida ay sheegayaan ila wareedyo muhiim ah oo aan helnay, iyadoo Al shabaab ay ku guul daraysteen inay horjoogahooda ay u helaan meel wax looga qabto caafimaadkiisa.

Xaaladda Axmed Diiriye iyo Sameeynta Shabaab.

Dadka la socda Arrimaha Al shabaab ayaa haatanba qaba in ay muuqato Saamayn wayn oo ka dhalatay hoggaan xumada Axmed Diiriye oo markiisii horaba ahaa nin aad isaga jilicsan hadana xanuun daran uu dhulka sii dhigtay.

Sidoo kale waxaa xiligaan muuqata in Awooda iyo hoggaanka Al shabaab aad leesugu heesto.

“Xilkan oo ah kan ugu sarreeya waa kan kaliya ee uu raadiyo qof kasta oo isu arka in uu ururka saameyn ku leeyahay, marka waxaa iska hor imaanaya damacyadooda waxayna ku yeelan kartaa saamayn ah in ay danaha ku kala tagaan maadaama ay isla ogyihiin in caqiiddo aysan ahayn waxa ay ku wada joogaan oo ay dano yihiin, horrey waxay saameyn ugu yeelatay oo meesha ka baxay wixii ay qaban jireen oo dhaqdhaqaaq ahaa markaan si kale u dhaho, Awoodooda ayaa hoos u dhacday.” sidaasi waxaa qaba Maxamuud Faarah oo ah aqoonyahan ka faalooda Arrimaha Al shabaab.

Waxaa jira is mari waa wayn oo hada ka dhex jira qaar ka mid ah Horjoogayaasha Al-Shabaab, iyadoo qaar ka mid ah horjoogayaasha ay bilaabeen inay isxulafaystaan si ay ula wareegaan hoggaanka Al shabaab.

Haddii uu Dhinto Axmed Diiriye Maxaa dhici kara.?

Maadaama haatan ay muuqato kala qaybsanaan wayn oo ka dhex jirta Kooxda, iyo hardan loogu jiro la wareegidda Awooda ugu saraysa ee Meeshiyadaan ayaa la aaminsanyahay inay keeni karto Itaalka kooxda oo aad u sii yaraada iyo iyagoo dhexdooda kala aamin baxa.

Dadka Arrimaha Shabaabka aad ula socda ayaa aaminsan in haddii ay soo baxdo geeridda horjoogaha Al-Shabaab ay uga dhigantahay Al shabaab bur-bur wayn oo aysan ka soo kabsan.

Sidoo kale waxaa la aaminsanyahay in Bur-burkaas oo horseedi doono Maleeshiyaad badan iyo Horjoogayaashooda oo hada ka aamin baxay fikirka xagjirka ah ee Al-Shabaab oo doonaya inay isku soo dhiibaan Dowladda, laakiin cabsi ay ka qabaan in maleeshiyadu disho haatan isku qarinaya inay helaan waddo fudud oo ay ku soo baxaan.

Saamaynta Ajaanibta iyo Qilaafka hadda jira.!!!

Tan iyo markii Maleeshiyadaan u bareertay inay dilaan Abuu Mansuur Al-Amriiki oo ka mid ahaa Ajaaniibta ugu saamaynta badan Al-Shabaab dhexdooda, waxaa aad u yaraatay saamaynta Ajaanibta la joogta horjoogayaasha Al shabaab, inkastoo ay caddahay fikirka iyo amarada ay ku shaqaynayaan inuu ka yimaado Ajaanib kale oo jooga dalka dibadiisa kuwaasi oo Maleeshiyadaan ay masuul kaga yihiin Burburinta dalkaan iyo daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Dhaqanka Al-Shabaab iyo Diinta.!!!

Dhaqankaan foosha xun ee ku salaysan danaysiga laakiin mgaca diinta ay ku hoos qarinayaan ayaa ah mid ay aad u sii fahmayaan shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo markii hore aaminsanaa in Al-Shabaab ay u dagaalamayaan diin.

Sidoo kale Dhammaan culimadda Soomaaliyeed iyo Culimada Caalamka ayaa si isku mid ah u caddeeyay Bayaano ay soo saareen in dhaqanada xun xun ee maleeshiyadaan caadada u ah inaysan diinta islaamka raad ku lahayn, iyadoo culimada ay kaga digeen dadka islamaanka ah inay raacaan fikirada xagjirka ah ee caadada ay u leeyihiin Kooxda.

Howlgalada Dowladda iyo Xaaladda Al-Shabaab.!!!

Ciidanka sooma jeestayaasha ah ee xoogga dalka ayaa sii balaariyay howlgalada ka dhan ah Maleeshiyada Al-Shabaab iyadoo aad looga taxadaro in Khasaaro uu soo gaaro dadka shacabka ah maadaama Al-Shabaab ay ku dhex dhuumalaysaan dadka rayidka ah.

Jabkii ugu xooganaa Al-Shabaab waxaa maalmihii ugu danbeeyay loogu gaystay howlgalo laga sameeyay Gobalada Hiiraan, Gedo, Jubooyinka iyo Shabeellaha Hoose.

Howlgalada dhulka ee ciidanka xoogga ayaa sidoo kale waxaa Barbar socda howlgalo dhanka cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha Baxsadka ah ee Maleeshiyadda Al-shabaab ku waasi oo habeenba meel ku hoyda cabsi darteed.