Golaha Aqalka Sare Ee Kenya oo kusoo Wajahan Magaalada Muqdisho

0
Dsc 0012 Copy 1 577x430
Dsc 0012 Copy 1 577x430

Ka dib kulan gaar ah oo ay Magalada Nairobi ee dalka Kenya ku yeesheen guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya iyo dhigiisa dalka Kenya ayaa waxaa guddoomiyaha Baarlaamanka Kenaya lagu casuumay in uu yimaado Magalada Muqdisho.

Guddoomiye Senator Cabdi Xaashi, ayaa guddoonka iyo Aqalka Senate-ka Kenya u fidiyay casuumaad ayna booqasho ku yimaadaan Soomaaliya, arrintaas oo uu Aqbalay Guddoomiha Aqalka Senate-ka Kenya Senator Kennedy Lusaka.

Sidoo kale waxaa dhawaan la filayaa in wafdi hordhac oo ka socda Aqalka Senate-ka Kenya uu soo gaaro Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Kulanka gaarka ahaa ayaa sidoo kale waxa ay uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay in labada Senate (Aqal) ay is waydaarsadaan khibradaha.