XOG: Kheyre oo Hub Casri Muqdsho looga soo Dajiyay iyo Ciidamo gaar ah uu Qortay

0
Kheyre 10
Kheyre 10

Hub ka kooban shan boqol oo qori, oo uu dalbaday ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay Caasimada Online xog ku heshay.

Hubkan ayaa ka kooban saddex boqol oo bastoolad, boqol AK47 ah iyo 100 BKM ah, waxaana magaalada kasoo dejiyey Saadaq John oo ah taliyaha NISA ee gobolka Banaadir, kaasi oo kasoo qaaday dalka Jabuuti.

Wararka ayaa sheegaya in hubkan loogu talo-galay ciidamo cusub oo dhar cad ah oo uu sameeyey ra’iisul wasaaraha, kuwaasi oo sida la sheegay magaalada lagu soo daadiyey dhowaan.

Ciidankan ayaa la sheegay inay ugaarsan doonaan Shabaabka magaalada dadka ku degala, hase yeeshee xubnaha mucaaradka ku ah dowladda ayaa sheegay inay ka baqayaan in sidoo kale ciidankan ay dilaan qof kasta oo kasoo horjeeda ra’iisul wasaraaha fikir ahaan.

Arrintan ayaa dhinaca kale la sheegay inay khilaaf ka dhex abuurtay talioyaha NISA Xuseen Cusmaan Xuseen iyo Saadaq John, ayada oo taliyaha uusan waxba kala socon hubka iyo ciidanka cusub ee la dhisay.

Saadaq John, ayaa sida la sheegay ka amar qaadan taliyahiisa, wuxuuna si toos ah ugu xiran yahay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.