Boqorka Baxreyn oo Madaxweyne Farmaajo Ugu Hambalyeeyay Maalmaha Xuriyadda

0
Hio 1132x670
Hio 1132x670

Boqorka Baxreyn Xamad Bin Ciisa Aala-Khaliifa ayaa waxaa uu warqad hambalyo u soo diray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo isaga oo ugu hambalyeeyay maalmaha xuriyadda.

Boqor Xamad Bin Ciisa Aala-Khaliifa waxaa uu sidoo kale mudane Farmaajo u rajeeyay  caafimaad iyo  farxadda munaasabaddan farxadda leh.

Dhinaca kale, waxaa isna warqad tahniyad ah u soo diray madaxweyne Farmaajo ra’isul wasaaraha dalkaa Amiir Khaliifa Bin Salmaan isaga oo shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay horumar iyo barwaaqo.

Ra’isul wasaare Khaliifa Bin Salmaan waxaa uu sidoo kale warqad u soo diray dhiggiisa Soomaaliya Xasan Cali Kheyre isaga oo u rajeeyay caafimaad iyo farxad.