Daacish oo sheegatay dilka labo ka mid ah shaqaalaha rayidka ee dowladda

0
Acmaq 696x392
Acmaq 696x392

Kooxda Daacish ayaa sheegatay dilka labo ruux oo ka mid ahaa shaqaalaha rayidka ee dowladda oo ka dhacay Muqdisho.

Labada ruux ee la dilay ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen shaqaalaha maaliyadda ee dowladda.

Sawirro ay soo bandhigtay Wakaalada wararka u faafisa Daacish ee Amaq ayaa muujinaya labo nin oo geysanaya toogashada.

Dilkan ayaa ka mid noqonaya dilal taxane ah oo ISIS ka fulisay Muqdisho, kaasoo muuqaalo laga duubay.

Kooxda Daacish ayaa kordhisay weerarada sida dilalka qorsheysan oo ay muddooyinkii u dambeysay ka fulisay magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.