Safiirka dowladda Itoobiya u joogga Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiayay sii deyntii Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi- Dhagax) dhawaan laga sii daayay xabsi ku yaalla dalka Itoobiya.
Safiirka waxaa uu sheegay in Qalbi Dhagax lagu sii daayay codsi ka yimid dowladda Federaalka Soomaaliya oo horay ugu gacan galisay dowladda Itoobiya.
Sidoo kale Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Cumar ayaa fasiraad ka bixiyey hadal uu dhowaan Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ka jeediyey dalkiisa, kaas oo warbaahinta ay si khaldan u turjumeen, waxa uu hoosta ka xariiqay in aysan jirin laba dal oo la mideynaya, hasa yeeshee u jeedadu ay tahay sidii la isaga kaashan lahaa mideynta Dhaqaalaha geeska Africa si Soomaaliya iyo Itoobiya ay hormuud ugu noqdaan arrintaas.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhiibistii qalbi dhagax kala kulantay Caddaadis Siyasaadeed oo weyn kasoo ku aadana in dowladda Itoobiya ay u dhiibtay Muwaadin Soomaaliyeed.
Qalbi Dhagax ayaa soo Muuqday Bishii hore Markii Madaxweynaha Jubbaland Jubbaland uu kulan kula qaatay Magaalada Addis Ababa.