XOG: Madaxweyne Farmaajo oo Joojiyay Shir uu kaga qeyb gali rabay Mauritania, Maxay tahay Sababta?

0
Gjwtdp8z 400x400
Gjwtdp8z 400x400

Warar aan helnay ayaa sheegaya inuu Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ka qeyb geli doonin Shirka caadiga ee Hoggaamiyayaasha dalalka Afrika oo lagu wado inuu ka furmo caasimadda dalka Mauritania ee Nawakshoot (Nouakchott).

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegeen inuu Madaxweyne Farmaajo ka baaqday Shirweynahaasi sababo la xiriira Munaasabadda Is-raaca Goballadda Waqooyi iyo Koonfureed iyo Maalinta Xorriyadda Somalia ee 1-da Luulyo oo berrito loo dabaal degi doono.

Shir Madaxeedka Hoggaamiyayaasha Afrika ee maanta ka furmayo caasimadda  dalka Mauratania ee Nawakshotwaxa uu socon doonaa ilaa maalinta Isniinta ee soo socota oo ay taariikhdu tahay 2-da bisha Luulyo.

Shirka Madaxeedka Hoggaamiyayaasha Afrika maanta uga furmi doona caasimadda dalak Mauratania waxay kaga wada hadli doonaan Heshiiskii Nabadda ee ay Madaxweynaha dalak South Sudan, Silva Kiir iyo Hoggaamiyaha Mucaaradka, Riek Machar isbuucii hore ku kala saxiixdeen Caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.

Madaxweynaha dalka Ruwanda, ahna Guddoomiyaha sannadkan ee Ururka Midowga Afrika, Paul Kigambe waxa uu shalay gaaray caasimadda dalka Mauratania ee Nawakshot, isagoo Kulan hordhac ah la qaatay Madaxweynaha dalkaasi, Maxamed Walad C/casiis.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah Madaxda dalalka Afrika ayaa la sheegay inaysan ka qeyb geli doonin Shirkaasi, iyadoo Madaxweynaha dalka Kenye, Uhuru Kenyatta la sheegay inuu ka baaqday Shirkaasi,.

Afhayeenka Madaxtooyadda Kenya, Manoah Esipisu  ayaa sheegay inay Madaxweyne Uhuru Kenyatta u baaday sbaabo la xiriira  xaallado degdeg ah,  Wxaana Shirkaasi Kenya u matali doonta wafdi ay hoggaaminayso  Wasiirka Arrimaha Dibedda dalkaasi, Monica Juma.