Akhriso Digreeto: Guddoomiyihii Degmada Baardheere oo Shaqada laga Ceyriyay

0
Baardheere 740x416
Baardheere 740x416

Maamulka Jubbaland ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyihii degmada Baardheere ee gobolka Gedo Cabdulaahi Nuur Xasan (Cadow), waxaana xilkan loo magacaabay Gudoomiye cusub.

Digreeto kasoo baxday Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa xilka looga qaaday Gudoomiyihii Baardheere, waxaana lagu bedelay Ismaaciil Sheekh Qorax,oo horay u ahaa guddoomiye ku xigeenka Baardheere.

Sababta xilka looga qaaday Gudoomiyihii degmada Baardheere Cabdulaahi Nuur Xasan ayaa lagu sheegay shaqo gudasho la’aan iyo sidoo kale in uu diiday amarada madaxda isaga ka sareysa.

Halkan ka Akhriso digreetada Xil ka qaadista Gudoomiyaha Baardheere

 

Digreto
Digreto