Shacab is Abaabulay oo Weerar ku qaaday Al shabaab iyo dagaal xoog leh oo dhexmaray

0
Dagaal
Dagaal

Wararka ka imaanaya degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in deegaanka Caad oo u dhaxeysa Xarardheere iyo Camaaro ay ku dagaalameen dadka deegaanka iyo kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dadka deegaanka ay weerar ku qaadeen dagaalameyaasha Al-shabaab oo ku sugnay deegaanka Caad.

Kuwaas oo ka careysnay markii Al-shabaab ay ka dalbadeen in ay bixiyaan xoolo ay ku tilmaameen Sakawaad iyo Waxgaradka deegaanka oo ay weydiisteen dhalinyaro ka barbar dagaalanta.

Wararka la helaayo ayaa sheegaya in Saakay uu dhacay dagaal xoogan oo dhinacyadaas u dhaxeeyay inkastoo aan la hubin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab la gala wareegay deegaankaas oo markii hore ay maamulayeen.

Xaalada deegaanka Caad iyo deegaanada kale ee ka agdhow ayaa laga dareemayaa abaabul dagaal oo labada dhinac ay wadaan.