Qarax kale ayaa goordhow laga maqlay Magaalada Muqdisho, waxaana wali socota rasaas xoogan oo laga maqlayo agagaarka Sayidka.
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qaraxa koowaad uu ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo gaari waxyaabaha qarxa ka buuxaan uu ku galay Ismiidaamin.
Rasaas xoogan ayaa ka dhex socota gudaha xarunta Wasaaradda oo sida la maleynayo ay ku dhex dagaalmayaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Al kooxda weerarka soo qaaday.
Si kastaba ha ahaatee waxaan la ogaan akrin khasaaraha ka dhashay qaraxyadan is xig xiga iyo weerarka ka socda xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha.