Wararka ka imaanaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ay xalay illaa iyo maanta halkaasi isku weydaarsanayaan madaafiic.
Inkastoo bilowda madaafiicdan cidda leh aan la xaqiijin karin ayaa hadana waxaa lasoo sheegayaa in khasaare uu jiro.
Ugu yaraan Labo qof ayaa halkaasi ku dhimatay, qof kalena dhaawaca ayaa kasoo gaaray madaafiicdan.
Dhammaan dadka waxyeellada soo gaartay ayaa ka mid ah ciidamada Puntland iyo Somaliland.
Goob joogayaal ayaa inoo sheegay iney maqleen dhawaqa madaafiicdan, iyadoo dadka ay soo wajahday cabsi.
Xal rasmi ah weli lagama gaarin dagaallada deegaanka Tukaraq, iyadoo maalinba maalinta ka dambeysay ay Labadan dhinac ciidamo badan kala geynayeen deegaankaasi.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale