Dowladaha Carabta Oo Loogu Baaqay Inay DFS Ka Taageeraan Qorsho Kasta Oo Ay Kula Dagaalami Karto Al-Shabaab

0
Mishaal
Mishaal

Guddoomiyaha Barlamaanka dalalka Carabta, Mashcal Bin Fahmi Al-salaami waxa uu ugu baaqay Ururka Jaamacadah Carabta iyo Dowladaha xubnaha ka ah inay si wadajir ah DFS u siiyaan Taageero kasta oo lama huraan ah si loo dhiso Hay’addaha Dowladda ugu qaabilsan Arrimaha Ammaanka iyo in la dhiso Ciiddan Xooggan oo awoodi u leh La-dagaalanka Alshabaab.

Afhayeenka Barlamaanka dalalka Carabta oo saaray Qoraal loogu tala-galay Warbaahinta waxa uu kaga hadlay Taageeradda iyo Kalsoonida buuxda ee Barlamaanka Carabta la garab taagan yihiin dhamaan qorshaha iyo hawlgalladda DFS ee La-dagaalanka Alshabaab iyo soo-celinta Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Barlamaanka dalalka Carabta, Mashcal Bin Fahmi Al-salaami waxa uu si kulul u cambaareeyey Weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab dhawaan ku qaadeen Dhismaha Otto oo Xarun u ah Wasaaradaha Amniga Qaranka iyo Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Somalia

Waxa uu tilmaamay inaysan falalka noocaasi ah wax u dhimi doonin dadaalka ay DFS  ugu jirto dhamaystirka dhismaha Hay’addaha Dowladda iyo dib-u-soo-celinta Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntii waxa uu u tacsideeyey Qaarabadda dadkii ku gereiyooday weerarkii ay Alshabaab Sabtidii la soo dhaafay la beegsadeen dhismo ay deggan yihiin Wasaarado ka tirsan kuwa Xukuumadda Federalka.