Masuul ka Tirsanaa Shirkada DP World ee Dekada Berbera oo Is Casilay

0
Xisabiyihii
Xisabiyihii

Wararka naga soo gaaraya Magalada Berbera ee Gobolada Waqooyi ayaa waxa ay sheegayaan in uu is casilay xisaabiyihi Guud ee Shirkada DP World u qaabilsanaa Dekada Berbera oo lagu Magacaabo Iimaan Yuusuf Iimaan.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in sababta uu isku casilay ay tahay in uu aad u dhaliilay Shaqada ka socota dekada Ber bera,waxaana booskii uu baneeyey si KMG ah loogu dhiibay Nin u ka tirsan Shaqaalaha Shirkadaas,isla markaana u dhashay Wadanka Senegal.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayan in is casilaadiisa ay soo dedejisay in maalmihii la soo dhaafay uu khilaaf kala  dhaxeeyey Shirkada Dp world ee Dekada Berbera Superga,waxana is casilada uu gudbiyey ka aqbalay Wakiilada shirkada DP World ee Berbera.

Madaxda Sare ee shirkada DP World weli wax war ah kama soo saarin is casilaada Xisaabiyihii guud ee Shirkadas u qaabilsanaa dekada Magalada Berbera.