XOG: Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle aan Diyaarad Kireysan Karin oo ku Xaniban Muqdisho

0
Ak
Ak

Xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle, ayaa ku xaniban Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo raba inay tagaan Magaalada Jowhar, balse ay u suurageli la’dahay.

Amnidarada ka jirta wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Degmada Jowhar, ayaa korodhay, waana midda keentay cabsida xooggan ee xilligaan ka taagan isticmaalka wadadaasi oo masuuliyiinta Hirshabelle isku aamini la’yihiin.

Xildhibaanada ku xaniban Muqdisho ee reer Hirshabelle, qaarkood ayaanan kireysan karin diyaarado yar yar oo ay ku tagaan Magaalada Jowhar, waana midda keentay inay sabab la’aan waqti badan ku nagaadaan Muqdisho.

Xildhibaan Faarax Maxamed oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee maamulka ayaa sheegay in shaqooyinkii Baarlamaanka maamulkaasi saameeyay amni darada ka jirta wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar oo Sh/dhexe ah.

Sababaha dib u dhaca ayuu sheegay in xildhibaannada oo aan kusoo safri karin wadada isku xira Muqdisho iyto Jowhar, sidoo kalena loo baahan yahay diyaarado lagu soo daabulo.

“Amniga kolley waad la socotaan, wadadana xilligaan la iskuma soo aamini karo, waa tii ay laba Xildhibaan oo qaali ah nooga dhinteen, waxaa laga fekerayaa sidii diyaarado loogu soo daabuli lahaa xildhibaannada.” Ayuu yiri Xildhibaan Faarax.

Ciidamada Al Shabaab ayaa weeraro waxa ay ka fuliyaan wadada isku xirta Magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabellaha dhexe, halkaasi oo Bishii Ramadaan ay ku dileen laba Xildhibaan oo ka tirsan Hirshabelle.