Xukuumadda hadda jirto ee uu hogaaminayo Ra’isul wasaare Xasam Cali kheyre ayaa dhistay Ciidanka Xasilinta Caasimadda ee Muqdisho ka howlgala sanadkii 2017-kii kuwoo oo u badan ciidan cusub oo dowladda siisay tababar gaaban oo ku saabsan sida qoriga loo qabsado loona rido, aqoon kale uma laha sharciyada iyo waajibaadka saaran ciidanka.
Ujeedka loo dhisay ciidanka Xasilinta ayaa xukuumadda Soomaaliya waxa ay ku sheegtay iney yihiin ciidamadii xaqiijin lahaa nabad galyada Magaalada Muqdisho, balse hadafkaasi ayaa noqday hal bacaad lagu lisay, markii la ogaaday in dilalka qorsheysan ay ku soobateen Magaalada , sidoo kale weeraro iyo qaraxyo ayaa lagu qaaday goobo aan horay loo weerari jirin.
Dhamaan Isgoysyada Muqdisho iyo xarumaha dowladda ayaa laga howlgeliyay ciidankan hubeysan oo shaki badan laga muujiyay, waxaana qaar badan oo kamid ah lagu tuhmayaa iney qeyb ka yihiin xasilooni darrada ka jirta Muqdisho.
Waxaa ciidanka xasilinta hogaankooda lagu wareejiyay Yaxye Cali Ibraahim oo ahaa Macalin Jaamaceed, oo dalka dibadiisa wax ku soobartay,mana ahan shaqsi howlaha nabad galyo shaqo ku leh, waxa ayna isku beel yihiin Ra’isul wasaare Kheyre, waxaana muuqata in ciidankan dano gaar ah loo dhisay.
Ciidanka ayaa boqolaal qof oo shicib ah si micno darro ah ugu dilay gudaha Muqdisho, gaar ahaan darawalada ka xaysa gawaarida loo yaqaano Mooto Bajaajta, majiro sharci qabanaya mana la hayo ilaa imika askari katirsan xaslinta oo tiirka cadaaladda lasoo taagay.
Kama hortagaan mana dabagaal kooxaha hubeysan ee dilalka ka fuliyay Muqdisho, waloow la ogaaday in dilalka ayba ka dhacaan goobaha ay u dhaw yihiin ciidanka xasilinta.
Intooda badan ayaa la aaminsanyahay iney xeriir la leeyihiin ururka Al Shabaab, taasna waxaa cadeyn u ah markii ay yaraadeen Shabaabkii faraha badnaa ee lagu dhex qaban jiray howlgallada Magaalada Muqdisho iyo kuwo lagu dili jiray howlgallo qorsheysan, ciidanka Xasilinta ayaa sidoo kale la aaminsanyahay iney u howlgalaan sidii shabaabka oo kale.
C/risaaq Cumar Maxamed oo ahaa wasiirkii Amniga dowladii Xasan Sheekh hadana ah xildhibaan katirsan Baarlamaanka ayaa talo ahaan u soo jeediyay in la baabi’iyo maadama sharci ahaan ay si cad uga soo horjeedaan qodobka 126-aad ee dastuurka dalka.
Muran soo ifabaxay markii ugu horeysay ee Muqdisho laga howlgeliyay ciidanka xasilinta oo Qaraxyadu bateen ayaa laga saaray Magaalada, balse dib ayaa loo soo celiyay taa oo keentay in ay sii socdaan falalka amni darrada ah ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.
Ciidamda dharcasta ah ee Muqdisho waxaa u badan kuwa xasilinta waxeyna fuliyaan dilal qorsheysan ,dhowr jeer ayaana arintaasi la ogaaday, waxaana cadeyn u ah xili laga hortagay iyagoo raba iney dilaan wariye ka howlgala mid kamid ah TV-yada Muqdisho, waxaana soo hadlay taliyahoodii oo yiri waa ciidankeena xasilinta Magaalada.
Siyaasiyiin iyo shacab farabadan ayaa siyaabo kala duwan u hadal haya sida weyn ee ciidankan Muqdisho dhibka ugu hayaan.
Magaalada ayaa kala xiran, jid walbana gawaarida iyo dadka shacabka ah wey ka mamnuuceen iney isticmaalaan, amni xumida magaaladana waa sideedii, Shacabka ayaa ciidanka u bixiyay magayo kala duwan sida (ciidamada xayiradda, ciidamada gumeysiga iyo ciidamada xasuuqa shacabka).