Wasiirka Amniga XFS oo Al shabaab ku Tilmaamay Dadka Dhaliila Xirnaashaha Wadooyinka

0
Yyyyyyyyyyyyyy
Yyyyyyyyyyyyyy

Wasiirka amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in dadka dhaliilaya xirnaanshaha waddooyinka Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwa Al-Shabaab ay ka hadalsiiyaan.

Waxa uu Wasiirku sheegay in Ciidamada ammaanka ay xoogga saareen amniga, qorshaha amniga caasimadda lagu xasilinaayo ayuu ku ammaanay Ciidamada loo xilsaaray.

Wasiir Islow Ducaale ayaa sheegay in Al-Shabaab ay la mid yihiin shacabka islamarkaana marka waddooyinka la xiro Dad Shabaab ay ka hadal siiyaan dhaliilo u jeediyaan xirnaanshaha wadooyinka, marka la dabciyana Al-Shabaab qaraxyo geystaan.

“Nimanka nabad diidka waxa ay soo dhax galayaan dadka shacabka ah, dadka ayeey ka hadal siinayaan iyaga ayaa dhaliilayaa xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho, sababtoo ah waa dad nagu dhex jira oo Muslim ah, marka jidadka la dabciyana qaraxyo ayeey gaysanayaan.” Ayuu yiri Wasiirka amniga Somaliya.

Al-Shabaab ayaa shalay weeraray Iridda hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, waxa ay sidoo kale Sabtigii hore weerareen Xarumaha Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ee Muqdisho.

Wasiirka Amniga waxa uu sheegay in qaraxii Sabtigii hore ka dhacay Xarumaha Wasaaradda Amniga iyo Arrimaha gudaha loo xiray 30 Qof oo ka mid ah Ciidamada ammaanka ee Muqdisho, taas oo uu sheegay in ay tahay isbeddel cusub oo ay dowladda ka sameysay sugidda Amniga Muqdisho.

Dadka Muqdisho ayaa aad uga cabanaya culeyska ay dowladda Federaalka ah ku hayso ee dhinaca xirnaanshaha Waddooyinka Magaalada, iyada oo magaalada Muqdisho ay hadda leedahay dhowr kala wareeg oo aanay baabuurta dadweynaha magaalada isu kala gooshi karin.