Xisbiyadda Mucaaradka ah oo Warmurtiyeed Kusaabsan Siyaasadda Soomaaliya u diray Shirka Brussels

0
01033
01033

Afar Xisbi Siyaasadeed ayaa War murtiyeed kasoo saaray shir labo maalin uga socday Muqdisho oo  ay kusoo gabangabeeyeen.

Xisbiyadda Wadajir, Daljir, Kulan iyo Horusocod ayaa Warmurtiyeedkooda waxay kusoo Beegeen Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee maanta ka furmaya Magaaladda Brussels ee Dalka Belgium-ka.

Xisbiyaddu waxay sheegeen in Shirkooda ay ku qiimeeyeen horumarka ay sameeysay Dowladda faderalka ah ee Soomaaliya, Qorshana Amniga Qaranka, Bixi taanka Ciidamadda AMISOM iyo arrimo Siyaasadeed oo ku saabsan sida Dowladdu ay ula Macaamisho maamul Goboleedyadda.

Warmurtiyedka oo ka kooban 23 Qodob ayaa Xisbayadu waxyaabihii ay uga hadleen waxaa ka mid ahaa in ay uga xunyihiin “Caburinta Xariyadda hadalka, Xirista firaaqo siyaasadeed iyo in siyaasiyiinta mucaradka ah  loo diiday in ay kulamo ku qabsadaan Muqdisho” taasi oo ay sheegeen in xadgudub ku tahay Qodobadda 18 aad, 19 aad iyo 20 aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Waxay Dowladda ku eedeeyeen in ay awood u isticmaasho Siyaasiyiinta Mucaaradka ah.

Xisbiyadu waxay sidoo kale muujiyeen walaacooda ku aadan “Khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya maamul goboleedyadda iyo Dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya” kaas sida ay sheegeen ka dhashay aragtidda Dowladda Faderalka ah ee maamulka dhexe.

War murtiyeedka Xisbiyadda ayaa Dowladda faderalka ah waxaa uu ku eedeeyay  “in ay faragalineeyso arrimaha gudaha ee  maamulka Jubbaland, gaar ahaan magacaabistii Taliyaha qaybta 43 aad ee ciidanka Xogga Dalka”.

Waxaa ku xusan war murtiyeedka in Dowladda ay taliyaha magacowday iyada oo aan la tashan maamulka Jubbaland taasi oo xad gudub ku ah qodobka 20 aad ee Qorshaha Amniga Qaranka.

Xisbiyaddu waxay sheegeen in Khilaafka khaliijku uu saameeyn ku yeeshay Amniga iyo xasiloonida Siyaasadeed ee Soomaaliya, waxayna sheegeen in Dowladda faderalka ah ay hesho Malaayiin dollar oo hoos u dhigaya Xasiloonidda.

Xisbiyaddu ma aysan sheegeen Wadanka ay Dowladdu lacagtaan ka hesho, iyo Tiradda Lacagta midna.

“Waxaan cambaareeyneeynaa cune qabateeynta Horumarka iyo gargaarka ee Dowladda faderalku kusoo rogtay Somaliland, waxaan ku boorineeynaa in Dowladda faderalku soo celiso macaamilka gaarka ah ee Somaliland” ayey Xisbiyaddu ku sheegeen war murtiyeedkooda.

Xisbiyaddu waxay Dowladda faderalka ah ku Booriyeen in ay Dooshooyinka 2020 ku dhacaan si sax ah oo aysan ka daba marin waqtigii loogu talogalay.

Waxayna ku adkeeyeen Dowladda in aysan ka leexan Nidaamka Qof iyo cod ee Doorashadda. Iyo in ay ogolaato Nidaamka Xisbiyadda badan ee Doorashadda.