Akhriso Magaca iyo Qabiilka ninkii fuliyay Qaraxii Ismiidaaminta ee Madaxtooyadda

0
Updf
Updf

Shabaab ayaa soo bandhigay magaca iyo Qabiilka ninkii fuliyay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyadda Somaliya, gaar ahaan Koontaroolka Ciidanka ay ku leeyihiin Beerta Nabadda.

Warbaahinta Shabaab ayaa soo bandhigtay Wareysi laga duubay ninkaan ka hor inta uusan fulin weerarka, waxaana uu ku sharaxaayay sababta uu ku doortay inuu isqarxiyo.

Maxamed Xuseen Sheekh Rooble oo 24 jir ahaa, kuna dhashay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe ayaa noqday ninka qaraxan fuliyay.

Ninkaan ayaa la sheegay muddo inuu ka tirsanaa qaybta Ismiidaaminta Shabaab, uuna ahaa nin aad u jecel inuu ka dhabeeyo hamigiisa ah inuu isqarxiyo.

Shabaab ayaa ninkaan Qabiilkiisa waxa ay ku sheegeen inuu ka dhashay Beesha Jiido ee degta Koonfurta Somaliya.

Qaraxa Ismiidaaminta ah ee ninkaan uu fuliyay, ayaanan gaysan wax khasaare dhimasho ah, ka sokow inuu isaga naftiisa kaliya gooyay.

Weerarkii Shabaab ay ku soo qaadeen xayndaabka Madaxtooyadda Somaliya Sabtidii la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ciidamada Militariga, waxaa kale oo dhintay oo la dilay raggii weerarka soo qaaday.